Dad
badan ayaa waxa ay iswaydiinayaan maxaa keenay baahida
shirka Jabuuti hadiiba ay mar hore ururkii MJXSG
ay gacanta ugaleen Tigreega shirna ku qabsadeen
Gogey,oo ay wadanka oo dhan lug ku mareen isla markaana
ay gaadheen meeshii kililka looga talinayay ee Jigjiga.
Dad badani
dhinaca ay ka fiiriyeen xaalku ma aha,waayo dhamaan
talalabooyinka ay qaadayaan MJXSG waa tallaabooyin
horay ay Tigreegu uga baaraan dageen oo kamid ah
taagtiga ay kula dagaalamayaan ONLF.Markii uu shirku
ka socday Cadaadley ayaa go’aanka Salaaxudiin
waxa uu ahaa in uu yimaado isaga iyo dhowrka lasocda
oo sheeganaya in ay yihiin madaxda ONLF.Arinta oo
halkaas taagan oo qorshuhu yahay in ay Salaaxudiin
iyo Ibraahin dheere isku mar wada yimaadaan Godey
ayay Tigreegu dheeshii wax ka badaleen,waxaana usoo
baxday talaabo kale oo taas ka culus.
Maadaama
oo ONLF lagala xaal waayay in ay yeesho wadahadal
daaha gadaashiisa ah,isla markaasna go’aankeedu
yahay oo kali ah in dal sadexeed iyo goob-joogayaal
caalami ahi goobjoog ahaadaan ayaa si looga dhigo
in Tigreegu ogolaadeen shuruudihii ay ONLF rabtay
ayaa waxaa loo sheegay Salaaxudiin in Jabuuti uu
yimaado oo markaas halkaas lagu qabto shir sadex
geesood ah oo looga arinsado sidii dadka looga gadi
lahaa wax aan jirin.
Tigreegu
way ogyihiin in MJXSG iyo Salaaxudiin midkoodna
uusan saamayn kulahayn saaxada siyaasadeed ee Geeska
Africa iyo Itoobiyaba,ee danta kaliya ee ay kaleeyihiin
ayaa waxa ay tahay in lakhaldo wuxuun kamid ah taageerayaasha
halganka iyo dadwaynaha xalaasha ah ee maalkoodii
iyo muruqooda isu geeyay sidii halganku unoqon lahaa
mid midhadhala.
Intee
in le’eg ayay arintani saamayn ku yeelan doontaa
dadka Ogaadeenya
Horta
arintani ma aha tii ugu horaysan ee ay Tigreegu
qaateen si ay ugula dagaalamaan ONLF,waxaan dhihi
karnaa waa tallaabadii 5aad ee ay Tigreegu qaadaan
mudadii 20 ka sano ahayd ee ay hayeen talada Itoobiya,Si
aan wax wayn oga ogaano isku daygii faraha badnaa
ee Tigreega waxaa lama huraan ah in aan dib umilicsano
taariikhda.
Samayntii
urur qabiileedyo
Shirkii
ansixinta Jaartarka ee June 1991 kii kadib waxa
ay Tigreegu ONLF ku qaadeen dagaal siyaasadeed oo
ay xoogga saareen sidii ay bulshada Soomaalida Ogaadeenya
ugu kala qaybin lahaayeen qabiillo,magaca Ogaadeenana
uga dhigi lahaayeen magac qabiil.Qabiiladii Soomaaliyeed
ee Ogaadeenta dagayay ayaa qabiil walba waxa loo
sameeyay urur iyo calan,taasoo ururada wadanka kalira
kadhigtay 13 urur oo dhorw urur mooyee inta kale
tahay urur qabiileedyo.ONLF iyada oo arkaysay cardka
siyaasadeed ee ay Tigreegu ciyaareen ayaa xalka
kaliya ee umuuqday waxa uu noqday in wax walba wakhtigiisa
loo daayo,sidaas daraadeed markii ay dhacday doorashadii
xiligii Jaartarka ee ay ONLF ku guulaysatay in kabadan
84 % ayaa waxa ay Tigreega ku noqotay dhabar-jab
waeyn,taasoo Tigreega uxaqiijisay in (Hal aan oon
wadin aan ul lagu wadi karaynin).Tigreegu markii
ay ku qanceen in talaabadaasi ay midhadhal fiican
yeelan waday ayay hadana qaadeen tallaabo kale.
Midayntii
dhamaan urur qabiileedyadii
C/majiid
Xuseen oo ahaa gacanta midi gee Malase ayaa waxa
ay Tigreegu u xilsaarteen in uu mideeyo dhamaan
ururada oo xataa kujirto ONLF.Hase ahaatee arintaas
waxa ay ucuntami wayday ONLF,waxayna sheegtay in
ayna la midoobaynin ururro ayna ka go’nayn
xornimo uraadinta dadka Soomaalida Ogaadeenya,hase
ahaatee arintaas C/Majiid ma uusan soo dhawaynin
arintaas,Sanadku markuu ahaa 1994 ki ayuu waxa uu
C/Majiid magaalada Jigjiga ku mideeyay urur qabiileeyadii
una bixiyay Somali Democratic League (ESDL).
Shirkii
Odayaasha,Tigreega iyo ONLF ee ka dhacay magaalada
Qabridaharre
Tigreegu
waxa ay abaabuleen odayaal uu hormuud kayahay C/Raxmaan
Khaliif dhicis oo maantadan lajoogana hor boodaya
hawlaha ay MJXSG wadaan.Odayaashaas waxa u Tigreegu
ka dhaadhiciyay in wax walba uu u ogol yahay ONLF,hase
ahaatee ONLF baaqa odayaasha way ogolaatay si dadka
ay ugu noqoto darsi kamid ah darsiyada ay ku baranayaan
beenta iyo jaha-wareerinta Tigreega.Shirkasina waxa
uu ku dhamaaday wixii ay awalba ONLF filaysay,wax
midho dhan ahna ma uusan yeelanin,Aakhirkiina waxaa
fara cididood ku baxsaday C/Raxmaan Khaliif Dhicis
oo ahaa ninkii hawshaas abaabulkeeda lahaa,waxaa
kale oo arintaasi ay Saamaysay wasiir ku xigeenkii
Caafimaadka ee dawlada Itoobiya Dr.Cabdi Aadab Dhagoole,oo
ubaxsaday dibadda.
ONLF
tii nabadda ee Bashiir Cabdi Xasan
Shirkii
Qabridaharre kadib waxaa Tigreega usoo baxday fursad
kale oo ay kula dagaalamaan ONLF waxayna sameeyeen
wax layidhaahdo ONLF ta nabadda oo hogaamiye looga
dhigtay Bashiir Cabdi Xasan Buraale oo xiligaas
kamid ahaa golaha dhexe ee ONLF balse isu dhiibay
Itoobiya.Bashiir iyo qolyihii sheeganaya ONLF-ta
nabadda waxa ay challenge ku sameeyeen awoodii Kililka.hase
ahaatee wakhti yar uun kadib Bashiir waxa uu ubaxsaday
dibadda waxa uuna BBC da ka sheegay in Itoobiya
ay diiday in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada
Ogaadeenya,laakiin macnaha dhabta ahi taas wuu ka
duwanaa oo qolyaha sheeganayay ONLF- ta nabaddu
marna mayna Itoobiya kala hadlin,kalamana ayna hadli
Karin arimo siyaasadeed,waayo waxaa muuqatay in
ay ahaayeen qolyo aan muhiimad badan lahayn.
Ugu
dambayntii dadka oo aad loogu ciilay magiii leegada
oo Ciid Daahir uu dadkii kusameeyay discrimination
ayaa halkaas waxaa fursad ka helay qolyihii sheeganayay
ONLF ta nabadda waxaana xilkii laga qaaday Ciida
Daahir,oo waxaa si ku meel gaadh ah xilka si qasab
ah uqabsaday Mahdi Ayuub,kadibna 1998 kii waxaa
xilkii qabtay Khadar Macallin cali oo markaas watay
magicii ONLF ta nabadda,kadib sanadkii 2000 kii
wixii ka dambeeyay waxaa magacii ONLF ta nabadda
lala mideeyay ururkii leagada.Halkaasna waxaa kusoo
afjarmay ONLF tii nabadda oo buuxin wayday hilimadii
Tigreega ee ahayd in ay iskaga bixiyaan qodaxda
ONLF .
Heerka
maanta uu taagan yahay shacabku
ONLF
waxa ay shacabka galisay wakhtigii ugu badnaa si
ay uga dhaadhiciso jilaafooyinka Itoobiya,midda
kale waxay shacabka tustay kalsooni ah in si kasta
oo xaaladuhu uqalafsan tahay ayna wadanka dhianacna
udhaafin oo shacabka aan loo baylihin cadawga,taasoo
ah
sidii
lagu yaqaanay jabhadihii hore ee wadanka soo maray
iyo xataa Itixaadkii oo ah kuwa hadda wata MJXSG
oo markii dagaal adag lagalay kadib durba baneeyay
saaxada.ONLF waxa ay dadka la qaybsatay rafaadka
gumaysiga,Nolo xumada,abaar iyo geeriba.Samirkaas
faraha badnaa ee jabhadda iyo shacabka oo dhaliyay
in ilaalhay uu ONLF siiyo awood aan la loodin Karin
oo maanta Tigreegu ay ubabac dhigi la’yihiin.
Hadaba
ma aha shacabku mid wax laga badali karo maanta,waayo
nimanka MJWXG ee maanta ay Tigreegu rabaan in ay
ku wiswis galiyaan waa kuwii iyagoo Itixaad ah dhaqaalihii
aduunka ugu badnaana adeegsanaya ay dadku raaci
waayeen,marka ma filayo in maanta sinaba ay saamayn
ugu yeelan doonan cidnaba.
Murti
aad udhumuc waynayn oo kujirtay riwaayaddii Maadays
ayaa waxay ahayd (Barri baa kutidhi Shalay Maantaan
bud-dhigayaa) Macnaha xigmadani waxaa weeye,maalmaha
waxaa mar walba mudnaanta leh midda markaas la joogo.Tusaale,
Shalay way tagtay khayr iyo shar waxay lahaydba,Barri
na Mayna imaanin khayr iyo shar waxay loahaydba,laakiin
maanta waa la joogaa oo khayrkeedii iyo sharkeediiba
waa lagu guda jiraa,marka iyadaa mudnaanta leh.Hadaba
barri oo aan laba gaadhina ayaa shalay oo tagtay
waxa ay ku kutidhi Maantaan bud-dhigayaa.
Sik
astaba ha ahaatee saw shirkani uma eka kii DKM Soomaliya,Ahlu-Sunna
iyo Itoobiya ay ugu go’aan gaadhayeen sidii
ay ula dagaalami lahaayeen qolayaha mucaaradka ah
ee Soomaaliya?
Moktar
Gundid
gundid@gmail.com