Haleelo.com
Waa wakaalad madax banaan
Contacts Us: haleelo@hotmail.com
 
Free Logo Maker and Free Logo Design By LogoSnap.com
 
 

 

 
Shirka Jabuuti oo lamid ah kii DKM Soomaaliya,Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Tigreegu ay ku qabteen AddisAbaba..

Dad badan ayaa waxa ay iswaydiinayaan maxaa keenay baahida shirka Jabuuti hadiiba ay mar hore ururkii MJXSG ay gacanta ugaleen Tigreega shirna ku qabsadeen Gogey,oo ay wadanka oo dhan lug ku mareen isla markaana ay gaadheen meeshii kililka looga talinayay ee Jigjiga.

Dad badani dhinaca ay ka fiiriyeen xaalku ma aha,waayo dhamaan talalabooyinka ay qaadayaan MJXSG waa tallaabooyin horay ay Tigreegu uga baaraan dageen oo kamid ah taagtiga ay kula dagaalamayaan ONLF.Markii uu shirku ka socday Cadaadley ayaa go’aanka Salaaxudiin waxa uu ahaa in uu yimaado isaga iyo dhowrka lasocda oo sheeganaya in ay yihiin madaxda ONLF.Arinta oo halkaas taagan oo qorshuhu yahay in ay Salaaxudiin iyo Ibraahin dheere isku mar wada yimaadaan Godey ayay Tigreegu dheeshii wax ka badaleen,waxaana usoo baxday talaabo kale oo taas ka culus.

Maadaama oo ONLF lagala xaal waayay in ay yeesho wadahadal daaha gadaashiisa ah,isla markaasna go’aankeedu yahay oo kali ah in dal sadexeed iyo goob-joogayaal caalami ahi goobjoog ahaadaan ayaa si looga dhigo in Tigreegu ogolaadeen shuruudihii ay ONLF rabtay ayaa waxaa loo sheegay Salaaxudiin in Jabuuti uu yimaado oo markaas halkaas lagu qabto shir sadex geesood ah oo looga arinsado sidii dadka looga gadi lahaa wax aan jirin.

Tigreegu way ogyihiin in MJXSG iyo Salaaxudiin midkoodna uusan saamayn kulahayn saaxada siyaasadeed ee Geeska Africa iyo Itoobiyaba,ee danta kaliya ee ay kaleeyihiin ayaa waxa ay tahay in lakhaldo wuxuun kamid ah taageerayaasha halganka iyo dadwaynaha xalaasha ah ee maalkoodii iyo muruqooda isu geeyay sidii halganku unoqon lahaa mid midhadhala.

Intee in le’eg ayay arintani saamayn ku yeelan doontaa dadka Ogaadeenya

Horta arintani ma aha tii ugu horaysan ee ay Tigreegu qaateen si ay ugula dagaalamaan ONLF,waxaan dhihi karnaa waa tallaabadii 5aad ee ay Tigreegu qaadaan mudadii 20 ka sano ahayd ee ay hayeen talada Itoobiya,Si aan wax wayn oga ogaano isku daygii faraha badnaa ee Tigreega waxaa lama huraan ah in aan dib umilicsano taariikhda.

Samayntii urur qabiileedyo

Shirkii ansixinta Jaartarka ee June 1991 kii kadib waxa ay Tigreegu ONLF ku qaadeen dagaal siyaasadeed oo ay xoogga saareen sidii ay bulshada Soomaalida Ogaadeenya ugu kala qaybin lahaayeen qabiillo,magaca Ogaadeenana uga dhigi lahaayeen magac qabiil.Qabiiladii Soomaaliyeed ee Ogaadeenta dagayay ayaa qabiil walba waxa loo sameeyay urur iyo calan,taasoo ururada wadanka kalira kadhigtay 13 urur oo dhorw urur mooyee inta kale tahay urur qabiileedyo.ONLF iyada oo arkaysay cardka siyaasadeed ee ay Tigreegu ciyaareen ayaa xalka kaliya ee umuuqday waxa uu noqday in wax walba wakhtigiisa loo daayo,sidaas daraadeed markii ay dhacday doorashadii xiligii Jaartarka ee ay ONLF ku guulaysatay in kabadan 84 % ayaa waxa ay Tigreega ku noqotay dhabar-jab waeyn,taasoo Tigreega uxaqiijisay in (Hal aan oon wadin aan ul lagu wadi karaynin).Tigreegu markii ay ku qanceen in talaabadaasi ay midhadhal fiican yeelan waday ayay hadana qaadeen tallaabo kale.

Midayntii dhamaan urur qabiileedyadii

C/majiid Xuseen oo ahaa gacanta midi gee Malase ayaa waxa ay Tigreegu u xilsaarteen in uu mideeyo dhamaan ururada oo xataa kujirto ONLF.Hase ahaatee arintaas waxa ay ucuntami wayday ONLF,waxayna sheegtay in ayna la midoobaynin ururro ayna ka go’nayn xornimo uraadinta dadka Soomaalida Ogaadeenya,hase ahaatee arintaas C/Majiid ma uusan soo dhawaynin arintaas,Sanadku markuu ahaa 1994 ki ayuu waxa uu C/Majiid magaalada Jigjiga ku mideeyay urur qabiileeyadii una bixiyay Somali Democratic League (ESDL).

Shirkii Odayaasha,Tigreega iyo ONLF ee ka dhacay magaalada Qabridaharre

Tigreegu waxa ay abaabuleen odayaal uu hormuud kayahay C/Raxmaan Khaliif dhicis oo maantadan lajoogana hor boodaya hawlaha ay MJXSG wadaan.Odayaashaas waxa u Tigreegu ka dhaadhiciyay in wax walba uu u ogol yahay ONLF,hase ahaatee ONLF baaqa odayaasha way ogolaatay si dadka ay ugu noqoto darsi kamid ah darsiyada ay ku baranayaan beenta iyo jaha-wareerinta Tigreega.Shirkasina waxa uu ku dhamaaday wixii ay awalba ONLF filaysay,wax midho dhan ahna ma uusan yeelanin,Aakhirkiina waxaa fara cididood ku baxsaday C/Raxmaan Khaliif Dhicis oo ahaa ninkii hawshaas abaabulkeeda lahaa,waxaa kale oo arintaasi ay Saamaysay wasiir ku xigeenkii Caafimaadka ee dawlada Itoobiya Dr.Cabdi Aadab Dhagoole,oo ubaxsaday dibadda.

ONLF tii nabadda ee Bashiir Cabdi Xasan

Shirkii Qabridaharre kadib waxaa Tigreega usoo baxday fursad kale oo ay kula dagaalamaan ONLF waxayna sameeyeen wax layidhaahdo ONLF ta nabadda oo hogaamiye looga dhigtay Bashiir Cabdi Xasan Buraale oo xiligaas kamid ahaa golaha dhexe ee ONLF balse isu dhiibay Itoobiya.Bashiir iyo qolyihii sheeganaya ONLF-ta nabadda waxa ay challenge ku sameeyeen awoodii Kililka.hase ahaatee wakhti yar uun kadib Bashiir waxa uu ubaxsaday dibadda waxa uuna BBC da ka sheegay in Itoobiya ay diiday in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada Ogaadeenya,laakiin macnaha dhabta ahi taas wuu ka duwanaa oo qolyaha sheeganayay ONLF- ta nabaddu marna mayna Itoobiya kala hadlin,kalamana ayna hadli Karin arimo siyaasadeed,waayo waxaa muuqatay in ay ahaayeen qolyo aan muhiimad badan lahayn.

Ugu dambayntii dadka oo aad loogu ciilay magiii leegada oo Ciid Daahir uu dadkii kusameeyay discrimination ayaa halkaas waxaa fursad ka helay qolyihii sheeganayay ONLF ta nabadda waxaana xilkii laga qaaday Ciida Daahir,oo waxaa si ku meel gaadh ah xilka si qasab ah uqabsaday Mahdi Ayuub,kadibna 1998 kii waxaa xilkii qabtay Khadar Macallin cali oo markaas watay magicii ONLF ta nabadda,kadib sanadkii 2000 kii wixii ka dambeeyay waxaa magacii ONLF ta nabadda lala mideeyay ururkii leagada.Halkaasna waxaa kusoo afjarmay ONLF tii nabadda oo buuxin wayday hilimadii Tigreega ee ahayd in ay iskaga bixiyaan qodaxda ONLF .

Heerka maanta uu taagan yahay shacabku

ONLF waxa ay shacabka galisay wakhtigii ugu badnaa si ay uga dhaadhiciso jilaafooyinka Itoobiya,midda kale waxay shacabka tustay kalsooni ah in si kasta oo xaaladuhu uqalafsan tahay ayna wadanka dhianacna udhaafin oo shacabka aan loo baylihin cadawga,taasoo ah

sidii lagu yaqaanay jabhadihii hore ee wadanka soo maray iyo xataa Itixaadkii oo ah kuwa hadda wata MJXSG oo markii dagaal adag lagalay kadib durba baneeyay saaxada.ONLF waxa ay dadka la qaybsatay rafaadka gumaysiga,Nolo xumada,abaar iyo geeriba.Samirkaas faraha badnaa ee jabhadda iyo shacabka oo dhaliyay in ilaalhay uu ONLF siiyo awood aan la loodin Karin oo maanta Tigreegu ay ubabac dhigi la’yihiin.

Hadaba ma aha shacabku mid wax laga badali karo maanta,waayo nimanka MJWXG ee maanta ay Tigreegu rabaan in ay ku wiswis galiyaan waa kuwii iyagoo Itixaad ah dhaqaalihii aduunka ugu badnaana adeegsanaya ay dadku raaci waayeen,marka ma filayo in maanta sinaba ay saamayn ugu yeelan doonan cidnaba.

Murti aad udhumuc waynayn oo kujirtay riwaayaddii Maadays ayaa waxay ahayd (Barri baa kutidhi Shalay Maantaan bud-dhigayaa) Macnaha xigmadani waxaa weeye,maalmaha waxaa mar walba mudnaanta leh midda markaas la joogo.Tusaale, Shalay way tagtay khayr iyo shar waxay lahaydba,Barri na Mayna imaanin khayr iyo shar waxay loahaydba,laakiin maanta waa la joogaa oo khayrkeedii iyo sharkeediiba waa lagu guda jiraa,marka iyadaa mudnaanta leh.Hadaba barri oo aan laba gaadhina ayaa shalay oo tagtay waxa ay ku kutidhi Maantaan bud-dhigayaa.

Sik astaba ha ahaatee saw shirkani uma eka kii DKM Soomaliya,Ahlu-Sunna iyo Itoobiya ay ugu go’aan gaadhayeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen qolayaha mucaaradka ah ee Soomaaliya?

Moktar Gundid
gundid@gmail.com

Haleelo Waa Magow.

Haleelo.com
haleelo@hotmail.com

 

 
 
 
FIKRADAHA
The Kelafo (Qalaafe) Town in Ogaden by Guled? By Guled Guled
 
 
Shir qoolada & Isku day kasta oo gumaysigu maleego fashil buu ku dhamaadaa. W/Q Maax Ibrahim
 
Home
Copyright © Haleelo.com