Haleelo.com
Waa wakaalad madax banaan
Contacts Us: haleelo@hotmail.com
 
Free Logo Maker and Free Logo Design By LogoSnap.com
 
 

 

 
Jawaab Sahal I. Caynte Afarta tiir een halgan ka maarmin.

ASC goorahan oodhan waxaan ka maqnaa jabadka saxaafada aniga oo saluugay sida maroorta ee ay wax u qoraan ama u tabiyaan shaqsiyaadka qalad isticmaalaya saxaafadii xorta ahayd una janjeedhsaday danaysi,qabyaalad,nin jeclaysi & hooskatuur una hogaamiyay saxaafada ku hadasha afka somaalida jabo xiiramood oo saxaafada aduunka ee xorta ahi ay goor sii horaysay ka hayaantay kana dhigtay mid aan dhadhan lahayn wax yaabaha lagu baahiyo. layaab ma ah in qof uu cabiro fikirkiisa laakiin waxaa haboon inuu hubiyo ujeedka uu kaleeyahay qormooyinka uu ku soo tuulayo mareegaha

sidoo kale kuwa codkooda ku beegaya idaacada waa mid mudan inay mugeeda qoraansadaan inta ayna soo gaadhin ardaayada laga dheehan karo ama laga dhagaysan karo waxii ay qoreen ama ay idaacadaha kaga hadaaqeen.hadii uuna shaqsiga aqoon ulahayn ama uuna ka ifafaaloon karin sadarada uu soo tubay mareegaha ama erayada uu ka sheegay idaacada waxaa haboon inuu iska dhaafo soo tabinta waxuu tabayo uuna ogaado inuu yahay mid aradan oo aan loo baahnayn.sidoo kale hadii uu u arko in qofkii dhagaysta codkiisa ama isha mariya qoraalkiisa ayna duxi karaacaynin dibin-daabyo mooyeen waxaa iyana la doortaa inaad dayso oo aad daboosho dareenkaaga aan waxba dawayn haynin.waxaad fogaato oo aad fadhiga badsato aadna ku dheeraato inaad faalayso qoraalo kasoo maaxday dadka indheer garadka ah ama ka ifafaalooda sooyaalkii la soo maray & sanooyinka soo socda siduu u arko ayaa hadana waxaad marar badan isha ku dhufan shaqsiyaad aan qoraal u saaxiib ahayn.

sidoo kale aan xog ogaal ahayn ama duraya hawlo ayna doonaynin oo dab hulaaqinaya.aniga oo ku gaaf-wareegaya Afkaarta bulshada qalin dabada haya ee la hadasha inta danaysa fikirka fayow ayna ku dheehantahay feejignaatu ayaa waxaan isha la helaalay qoraalka uu qoray shaqsiga isku magacaabay Sahal I. Caynte uuna ku baahiyay mareegta waamonews uuna horyaalka ama ciwaanka uga dhigay Afarta tiir een halgan ka maarmin. inkasta oo ay adagtahay in laga dhaadhiciyo shaqsiyaadka sidan u fikiri wadada toolmoon ee uu shacabka somaalida Ogadenya u tabaabushaystay hadana waxaan jantay inaan ka dhaho erayo kooban waa hadal oo lama daayee. hadii uu shaqsigu dhex mushaaxo wax uuna aqoon u lahayn sidoo kale uuna ka hayn xog ku filan waxaa dhacda inuu gabi dhacleeyo uuna juq dhaho juuqo xidhan. laleemada iiga muuqata qoraalkan ayaa waxaa ay tahay in uuna xitaa ogayn shaqsigani Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya dhulka ay ka dagaalanto & sida ay ugu baahsantahay wadan-waynaha Ogadenya.

sidoo kale waxaa kaa daahsoon siyaasada ONLF meesha ay ka soo unkantay & wakhti xaadirkan meesha ay marayso xafiisyada(xafiisyada jwxo waxaa la odhan karaa cadceedu kama dhacdo tayo dooni ha lahaadeene).sidoo kale kacdoon shacab hadii ayna ahayn ururadii ka xooga badnaa ee ka hanaqaaday ogaadeenya inaad is waydiiso oo aad dib u qooraansato qormooyinkii laga qoray ayaa quruxbadnayn. arinta kale ee u baahan inaan ifiyo siyaasada,dhaqaalaha & marnaba kuma arkin intii aan dhex indha-indhaynayay siyaada JWXO meel ay ku sheegeen in ay ku xidhayaan dawlad ama urur waxaana horgale & halqabsi u ahaa ama eegaba u ah Midnimo Mintid Isku tashi guul Allaahu Akbar inaad maraajicayso ururadii siyaasadoodu,dhaqaalahoodu & taageeradoodu ku xidhnayd wadamo dibada ah ayaa quruxsanayd inta aadan qormadan qorin.jabhada wadaniga xoraynta ogadenya waa jabhada kasoo dhex baxday shacabka Somaalida ogadenya.

sidoo kale waa jabhad soo koraysa sifiican ula jaan qaaday siyaasada murugsan ee caalamka ee aad adigaba ka shanqadisay waana rajada kaliya ee shacabka Somaalida ogadenya ee ragaadiyay gumaysiga madaw ee biday darxumada. qaraalkan aad soo dhigtay mareegta waamonews waxaan u arkaa aniga in uu ka turjumayo odhaahdii gumaysiga ee ahayd (jabhada qoys gaar ah ayaa wata, waa koox yar, way kala tagayaan ma adkaysan doonaan meel ay dabada la galaan majirto) waa mid u baahan dib u dhugasho dabuubahaasi meeshii ay dageen.waxaan qormadan kooban kusoo xidhi lahaa qofka raba inuu gaadhsiiyo fikirkiisa caafimaadka qaba bulshada rabana inuu hogo-tusaaleeyo horta inta uuna qalinka & xaashida isa saarin dib ha u milicsado xaalada uu ka hadlayo hana isku dayo in uu xog ku filan ka helo kadib bulshada ha u tilmaamo waxuu maankiisu tabayo hadii laakiin aad rabto jahawareerin & jalaafeyn halganka ay umadu u soo burburtay ayna ku lafa jabtay waxaa wali jira rag & gabadho usoo jeeda dabuubaha danbaska lagu qorina ka rogi sifiicana sheeda uga arka dabatada dabinada dadkan somaalida ogaadeenya ee dulman u qoolaysta & danta ay ka leeyahiin.

Geedan Cali waldaye
geeddan@yahoo.com

Haleelo Waa Magow.

Haleelo.com
haleelo@hotmail.com

 

 
 
 
FIKRADAHA
The Kelafo (Qalaafe) Town in Ogaden by Guled? By Guled Guled
 
 
Shir qoolada & Isku day kasta oo gumaysigu maleego fashil buu ku dhamaadaa. W/Q Maax Ibrahim
 
Home
Copyright © Haleelo.com