Mudo
dheer oo daal iyo diif leh ka dib, waxaa dhamaaday
shirkii yaxyaxa iyo weji gabaxa lahaa ee cadhoolayaasha
reer Minnesota qabteen Shirkan ayaa runtii ahaa
mid riyaddii iyo qarowgii cadhoolayaashu ku jireen
ee ahaa in goobtii shirku buuxsami doonto dhamaanba
beeniyey wax kale kuma garatide waxay dadkii shirka
yimid u ahayd goob ceebeed iyo caajis aan dhamaanayn
halka nag-nag layaashii shirka qabteyna qoortu jabtey
siday albaabka u sii fiirinayeen bal in dad soo
gala ay arkaan.
Nasiib
daro waxoogaagii dadka ahaa ee meesha ku caajisayna
halkii ay sheeko macno leh ka sugayeen ayaa waxaa
lagu asqaysiiyey been la soo malmaluuqay oon sal
iyo raadtoona lahayn sheeko meel ay ujeedo iyo meel
ay ka jeedo aan lahayn ka dib waxaa lagu kala tagay
goobtii shirka, waxaana halkaas ka dareeray dhowr
qof oo cago jiidaya wejigoodana caajis laga dareemi
karo.
Hase
yeeshee cadhoolayaashii ayaa goobtaa ceeb iyo calool
xumo kala luuday waxayna iyaga oo wejiyo madmadow,
hoostana iska canaananaya u kala dheelmadeen meelihii
ay ka soo ordeen markaliya ayuu waa ku baryey. Riyaddii
baa beenowday huuhaaddii baa socon wayday hadaaqii
iyo hubsiino la’aantii baa salkeedii la soo
taabtey orodkii iyo orkii dadka wareeriyey baa waxba
kordhin waayey sheekaddiina is eedayn iyo adaa noo
lahaa bay ka bixi waydey.
Hadaba
weji xumaddii shirka ayaa noqotey mid jawiggii canaasiirta
badasha taasina waxay keentey in caqli xumaddii
lagu yaqaanay ay cadho ku darsadaan. Waxay go’aan
ku gaadheen in wixii ay rabeen haday waayeen, in
wixii ay rabaanba ay ku hadlan ileen waa “neef
gowracani geedo kama leexdee”. Maanta xaalkii
cadhoolayaashu waa inay gaf iyo af lagaado iyo weliba
jaa’ifooyin u geystaan reero ama shaqsiyaad
aan waxba u dhimin sababtoo ah waxay jeclaayeen
bay waayeen.
Waxay
gaadheen meeshii qof damiir la’ uu gaadhi
lahaa ee ugu hoosaysay waxay noqdeen kooxdii inta
la xusuusan yahay ugu daciifanayd, ugu damiir xumayd,
ugu xishood yareyd, uguna garaad hooseeyey sidaa
darteed maanta waxay qaateen magac kale oo la yidhahdo
Cadhaysanayaal.
Hadaba
inkasta oo shirkan isaga ah lagu tilmaami karo mid
gabi ahaanba lagu qasaarey, ujeedooyinkii laga lahaana
aan lagu guulaysan hadana waxan odhan karaa hal
koox baa si fool xun ugu qasaartey, hal kooxna way
ka faaiiday.
Kooxddii
qasaartey.
Run
ahaantii kooxdii cadhoolayaasha waxaa la soo daristey
khasaare aad u wayn oo dhinac kasta ah. Magacyadii
beenta ahaa iyagu way ka qadeen oo jagooyinkii boos
la’aanta waxba lagama siin Mida kale lacagahii
dumarka laga uruuriyey ee ujeedada kale looga qaaday
hotel kama seexan. Intaa daal iyo dacdaro baa u
dheeraa, shirkiina siddii ay rabeen uguma dhicin
oo ceeb iyo cuqdad bay kala tageen.
Kooxddii
faa’iiday
Shaqsiga
kaliya ee la oran karo wuu ka faaiiday shirkan wuxuu
ahaa dhagarqabe Saalaxudiin waayo lacagtii yareyd
ee la soo ururiyeyna isaga ayaa waxna hotel lagaga
bixiyey waxna tigidh loogu gooyey waxna cunto lagu
siiyey. Dhagarqabe sida uu dad hore u sheegay ujeedaddiisu
waxay ahayd inuu kharash helo waayo ONLF lacagtii
uu ka dhici jirey mudaddii uu qasnada hayey wuu
waayey marka wuxuu rabaa meel uu hadana ka helo
wax uu biilka isgaga bixiyo. Macow wuu og yahay
inaanu ONLF dib ugu soo noqonaynin ama madax u noqon
doonin laakiin masaakiin canaasiir ah ayaa meesha
lagu sirayaa. Dhanka kale Mr. Been hawaas
isagu waa laa walaa balse wuxuu isna ku maqan yahay
jagada beenta ah ee Saalaxudiin sheeganayo qooraansigeeda.
Ugu
dambayn cadhooleyaashii waxaa la soo daristey magac
xumo iyo manfac li’i, Dadkoodii ka dhex baxe,
waxna ma hayaan. Waa “sumalow Ido seeg,Riyo
seeg oo meel dhexe salaq salaqlee”, kolka
horaba dookh xumidooda Kooxda Asad (Hooyaddii)
ku rasaysay iyo Maxamed Farax (Xajiimaale)
caqli ka sugayay wallee ceeb illaah baa
bady.Waxaase nasiib wanaag ah in dadka Ogadenya/S/Galbeed
ay aad aqoon ugu leeyihiin kooxdan iyo intii la
hal maashaba.
Haleelo
Waa Magow.