Haleelo.com
Waa wakaalad madax banaan
Contacts Us: haleelo@hotmail.com
 
Free Logo Maker and Free Logo Design By LogoSnap.com
 
 

 

 
Ibraahin Dheere oo ay talo ku ciirsan tahay kadib markii loo sheegay in uu hoostago Abdi Ilay.

Waxaa bishii hore ee Apriil magaalooyinka Ogadenya/S/Galbeed ku sii qulqulayay niman ka kala yimid Soomaaliya, Kenya, iyo K/Afrika nimankaas oo mudo dheer xiriir hoose la lahaa safaaradaha Itoobiya ee ku kala yaala dalalkaas aan kor ku soo sheegnay waxayna bulshada ka dhaadhicin jiree in dagaalka la joo-jiyo oo nabada la qaato arintaas oo bulshada Ogadenya/S/Galbeed ku noqotay qaadan waa waxaana aad loola yaabay Sheikh masaajirka dhexdiisana ka sheegaya in ay xaq tahay in Itoobiya lalo dagaal Jihaad ah markuu banaanka u soo baxana si kale u hadlaya.

Waxay arintaas socotay mudo dheer waxayna meelo badan kaga sheekayn jireen in nabada la qaato oo Itoobiya waxlala aybsado, waxaa hadalkii ugu horeeyay uu dhex maray Casoowe oo ah ninka ururka bur-buriyay iyo Ina Ilay oo ah ninka lawada garanayo waxa uu yahay waxayna ka wada hadleen arimo badan waxaana Casoowe loo sheegay hadii ay soo galayaan in ay soo galiyaan ONLFna waayo Itoobiya wax weyn uma aragto nimankan fashilmay ee guryaha ay Gaaris ka dhisayaan ee lagacta magaca agoonta lagu soo ururiyay lagu dhisay ku mashquulsan in ay soo noolayso.

Waxaa sanadkii hore Yurub yimid wafti uu wato Abdi Ilay oo ka soo amba baxay JigJiga isagoo doonayay in ay la kulmaan Casoowe iyo kooxda beenta ku nool ee sadexda wadan joogay waxaana ka qasay qorshihii ay wateen Jaaliyaddaha Ogaadeenya oo la socoday dhaq-dhaqaaqooda waxaana faro caaradood ku baxasaday Abdi Ilay oo markii huteelkii uu Sweden ka dagay la soo weeraray baqo iyo cararkii ku tagay London oo mudo uu maxbuus ku ahaa isagoon ka soo bixi karin safaarada Itoobiya ee London.

Abdi Ilay maalimihii uu joogay Safaarada Itoobiya dhexdeeda wuxuu halkaas kula kulmay Ahmed Abdi-Awnuur (Ahmed Wareerey) oo ah ninka beenta ku shaaciya boga Xaajo Qurun wada kaas oo ah da'dii ka yarayd Casoowe, Ahmed Wareerey ayaa u kala dab qaaday Casoowe iyo Abdi Ilay waxaana lagu heshiiyay in ay soo xaroodaan.

Waxaa bilowgii bishii hore xarooday dhamaan intii bulshada ku fashilantay oo ay soo qabatay aayadaha iyo axaadiista ay ka beensheegayeen waxayna isu dhibeen Itoobiya oo ay hada ku sugan yihiin magaalooyinka wadanka Ogadeniya/S/Galbeed ee la gumaysto, horu marka ugu weyn ee uu Ibraahin Dheere gaaray wuxuu ahaa in diyaarad JigJiga laga soo saaray lana keenay Godey wuxuu moodayay in ay Itoobiya ula dhaqmi doonto si weyn oo ah qaab urur oo kale ah waxaase loo xilsaaray in ay nimanka isa soo dhiibay marti galiyaan oo ay kharashka ka bixiyaan Daa'uud iyo Ina Ilay oo markii horaba isku hayay aniga ayaa kaa awood badan iyo maya, waxaana la siiyay baabuur dhowr ah oo ay ku soo maraan magaalooyinka aynan mudada dheer arkin.

Mudo markay wareegayeen waxay wayeen wax dhaafsiisayn hada magaaladeed aadaysaan waxayna Ibraahin Dheere arintani ku noqotay arin isu qaban la wuxuuna Ina Ilay waydiiyay maxaa naloo hayaa? taas oo uu jawaab ka siin kari waayay Ina Ilay, waxaana u jawaabay Daa'uud oo u sheegay in ay u hayaan dhul balaaran oo u baahan in la dhiso wuxuuna ku yiri la xiriira dadkii aad dibada ku ogaydeen oo u sheega in uu dhulkaasi beec yahay sidaasna lacago ku uruuriya oo dawlada wax ka siiya maadaama aad khibrad u leedihiin sida dadka wax looga qaado, arintaas wali Ibraahin Dheere iyo kooxdiisa uma cuntamin mana jirto wado kale oo u banaan iyo go'aan ay qaadan karaan.

Arinta beecinta dhulka ayaa la doonayaa in dad weynahay loo sheego in uu jiro isbadal iyo horumar waxaana soo socoda waxyaalo fara badan oo aad cajiib u ah oo nimankan la soo hor dhigi doono balse aynu sugno talaabada tan xigta iyo meesha uu Ibraahin Dheere hawsha ka bilaabi doono. Nagala soo xiriir e-mailkan waana badalay e-mailkii hore haleelo@hotmail.com

Haleelo Waa Magow.

Haleelo.com
haleelo@hotmail.com

 

 
 
 
FIKRADAHA
The Kelafo (Qalaafe) Town in Ogaden by Guled? By Guled Guled
 
 
Shir qoolada & Isku day kasta oo gumaysigu maleego fashil buu ku dhamaadaa. W/Q Maax Ibrahim
 
Home
Copyright © Haleelo.com