Webka Xaajo Qurun wada oo
aan beenta ka xishoonin waxay kaga dhagtay ONLF
waxaana dhici karta iyagoo wax kale inay qoraan
raba in ONLF ay ku leexiyaan wax lala yaabo saw
ma aha urur miisaan culus leh oo ay Itoobiya ka
qaylinayso in uu Ahmed Wareerey u qaato inuu dacaayad
wax ku yeeli karo mida kale miyuuanan ninku ogayn
inay madaxda ONLF cadeeyeen mooqifkooda ku aadan
wadahadalka uu Ina Zanaawi sheegtay ee beenta ah
miyuunan ogayn in aynan ONLF wada hadal diidanayn
balse ay doonayso in meel cad lagu wada hadlo miyuunan
ogayn kuwii Ibraahin Dheere ee shalay Itoobiya isu
dhiibay in ay meel ay u dhaqaaqaan garan la’yihiin
talana ku cadahay.
Ahmed
Wareereyoow waxaa kugu qufulan ooy kula tahay inay
ONLF adiga iyo inta kula mabda’a ah la col
tahay bal ogoow adiga, walaalkaa Casoowe iyo Ibarahim
dheeraba inay ONLF dani idin baday cid kalena ayanan
idiin maqnayn waxa laydinkaga haybaystaana uu ONLF
yahay kol haday sidaas tahay waxaan ku leenahay
iska yaree xiqdiga sabab la’aanta ah ee uurkaaga
buux dhaafiyay hana ka hor dhicin Dhaan Dabangaalaha
aad bidhaan dhawranayso war bixintiisu way soo dhawdahay
waanad ogaan doontaa xili aan fogayn waxa kala qabsada
Ibraahin dheerha aad taageeraha u tahay iyo Ina
Iley oo loo xil saaray inuu dusha ka maamulo kooxdii
is dhiibtaya.
Dhulka
Ogadeniya S/Galbeed waxaa iska leh dadka u halgamaya
ee ONLF ay hor muudka u tahay waxaana gumaysata
Itoobiya oo aan ogolayn inay wax aan baxad ahayn
kaga baxdo dhulkaas kooxda kuwa qalbiga jilicdasan
ee kolba dhan u hayaamaysa siyaasiyiin am aha mana
laha barnaamij qeexan oo ku wajahan masiirka umada
Ogadeniya S/Galbeed waxaana u muuqata meel cosob
ah oo aan dadka intiisa kale u muuqanin kolbana
waxaa hoda hadur iyo ka fiirsi la’aan durba
fashilanta.
Waxaa
soo fool leh nimankii barwaaqada aan dadku arag
sheegay oo Awartii dhaanka ahayd ee ay biyaha ku
dooneen oo madhan wada marka Wareerey waxaan ku
leenahay ONLF umadan iyadaa xil ka saaranyahay adiguna
waxaad ka mid tahay dadka dhab ahaan loo xoraynayo
ee ay gumaysiga u dheeryihiin ciladaha faraha badan
ee cuqdadu ka kow tahay oo u baahan in lala tacaalo
hadaba ONLF waxay ku hamiyaysaa sidii aad u heli
lahayd marka hore xoriyad aad Ogadeniya S/Galbeed
ku joogto marka xigana aad u heli lahayd xanaano
hadii aad cimrido madaama aad tahay nin buka xil
ayaa ONLF ka saran in lagu dabiibo marka waxba ah
soo ururinin xumaan aad ONLF ka sheegto colna kuuma
qabaane la soco waa kuwa aad nin raga ah ku tahay
waana kuwa kaa hor taagan in sidii la doono lagaa
yeelo.