Haleelo.com
Waa wakaalad madax banaan
Contacts Us: duulane@haleelo.com
 
Free Logo Maker and Free Logo Design By LogoSnap.com
 
 

 

 

Ma quuste Fuluus oo mar kale BBC da ka qaaq yidhi!!!!!!.

Dad badan oo ka war qabey masaafuriskii bahdilka ahaa ee ina Iley uu Fuluus ka soo masaafuriyey Itoobiya ayaa aad ula yaabey badhooqtankii Fuluus uu ka badhooqtamey BBC da oo baryahan dambe noqotey meel qadiyada Ogadenia lagula dagaalamo. Waxay ahayd todobaadyo ka hor markii Fuluus intii qar iyo daan la qabtey siddii jawaan bur ah baabuur qabaal ah dusha lagaga soo tuurey loona sheegay inaanu dib Jigjiga ugu soo noqon karin, isaga oo lagu dhex tuurey Harar.

Tani ma ahayn markii ugu horeysay ee fuluus uu Jigjiga waji gabax iyo yaxyax kala lugeeyo. Sida laga yaabo in dad badani og yihiin Fuluus wuxuu doorkan doorkii ka horeeyey ka soo baxsadey Jigjiga isaga oo weliba jawaan barradho ah lagu soo qariyey waayo wuxuu ka cabsi qabey in xabsiga la dhigo ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu xoolo lunsadey.

Jawaan ka barradhada ah ee fuluus lagaga soo dhuumiyey Jigjiga waxaa uga horeeyey qisaddii Qabridahare ka qabsatay taas oo ku kaliftey inuu diric xidho. Fuluus oo u haystey inuu magaaladdi uu ku dhashay yimid kuna ammaan heli doono ayaa loo sheegay inuu khatar ugu jiro inuu gacan u galo ONLF taasina waxay dhaxalsiisay in naftu qaad qaado halkaasna ku go’aansado inuu diric xidho.

Hadaba fuluus oo intaas oo ceeb ah iyo weliba in ka daran Itoobiya kala kulmey ayaan marna laga filaynin inuu Itoobiya amaano. Hase yeeshee wareysiggii fuluus wuxuu dad badan oon aqoon dheer u lahayn Fuluus u qaateen inuu qafiifay oo maskaxda wax uga dhinmeen. Inkasta oo Fuluus qurbaha ku wareeray oo cudurka (Depression) ka ah qabo iyo weliba buufis uu nolasha ka qaadey hadana waxa xaqiiqa ah in amaanta Fuluus uu Itoobiya BBC da ka amaaney aaney ahayn jacayl uu Itoobiya u qabo balse ay tahay nacayb uu ONLF u qabo. Fuluus BBC da sabab kale ugama hadlin oon nacayb ka iyo xiqdiga ONLF ahayn, meelkastana Fuluus wuu u mari nacaybkaas. Mida kale nacaybka Fuluus ma aha wax ONLF ku samaysay balse waa xaasidnimo iyo masayr waayo Fuluus ma jecla in wax aanu isagu wadin ay meel maraan.

Fuluus runtii waa nin mabda’ laawe ah oon lahayn hadaf qeexan. Waa nin wanaag u haysta mucaaradnimada iyo dhaliisha dadka kale. Waa nin ku faana intii uu wax haleeyey halka uu ku faani lahaa intii uu wax hagaajiyey. Waa nin aan meel salka dhigi karin oon lahayn siyaasad degan. Mida kale fuluus waa nin cadow ah oon wax naxariis ah lahayn.

Fuluus oo in badan dhibaatooyin u gaystey dad masaakiinta ah ee reer ogadenya ayaa hada waxaa ka soo if baxay habaarkii taasina waa sababta keentey inuu cadowgiisa iyo nasteexiisa kala garan waayo nntii aanu dabaqoodhiga ku biirin fuluus wuxuu sheegan jirey ONLF balse waxaan dad badani ogayn in Fuluus uu xin iyo masayr ONLF u soo galey, Fuluus wuxuu ONLF u soo galey John Cali Saafi oo markaa arimaha Jubooyinka aad ugu ololayn jirey. Hadaba isaga oo john ka masayrsan arimaha uu isku dubaritey ayuu ONLF ku soo biirey si uu isugu dhereriyo ina cali saafi.

Isku soo duuboo waxaan odhan karaa Fuluus wuxuu weliggii ahaa nin nolosha ka dhacsan oon cilmi iyo caqli aan xin ka ahayn aqoon. Ugu horeyn wuxuu ahaa reer baadiye geel raac ah ka dibna wuxuu noqday xer cilmi hase ahaatee mudo yar ka diba kitaabaddii buu xoorey wuxuuna noqday dhul jiif.

Fuluus wuxuu mudo dheer camal ka dhigtey qaadacul dariiqnimo, waxaa saldhig u ahaa laanjaleelo oo uu dadka ku dhici jirey dumarkana ku kufsan jirey. Taas waxaa ugu xigtey jaajuusnimo. Mudo ayuu Fuluus Somalia jaajuus u ahaa oo Kenya uga jaajuusi jirey.

Imaatinkii fuluus Mareykan yimid way u cuntami waday waayo inuu shaqeeyo ama xooggiisa maalo Fuluus uma baran wuxuu tabay ama waayey dhul jiifnimaddii iyo jaajuusnimaddii taasina waa sababta uu Itoobiya dib ugu noqday, waa sababta uu uga samri la’ yahay Itoobiya sikasta oo loo bahdilo ama loo xumeeyaba.

Qof xoriyad iyo xoog xalaal ah heli kara ma u malayn inuu jaajuusnimo ka dooran? Su’aashu waa maya haddii aanu waaleyn, naca uu Fuluus ONLF u qabo ayaa baryahan dambe maankiisa badeley sababtoo ah Fuluus wuxuu mudaba ku ducaysanayey in ONLF baaba’do ama la tirtiro nasiib wanaag maalinba maalinka ka dambeysa ONLF way sii badaneysaa Fuluusna wuu sii khafiifayaa.

Maalintii Fuluus shaatiga dabaqoodhinimada ah uu toshay ee Jigjiga ka dagay wuxuu balan qaadey inuu ONLF mudo laba bilood ah ku tirtiri doono. Markii uu balantan Fuluus qaadayey wuxuu iska dhigayey nin warar badan oo ku saabsan sida ONLF u shaqayso hayey laakiin taas illaah ceeb buu ka raaciyey. Ma jirin wax uu yeeley ONLF oon ka ahayn shaqsiyaad uu jaajuusay oo la xidhay.

Maanta ONLF waxay noqotey dhurwaaggii yidhi “Orodna laygu gaadhi waa cayna waxba la igaga qaadi waa”, Fuluusna wuxuu noqday “Neef gowracani geedo kama leexdo”. Wuxuu gaadhey heer uu kala garan waayo ninkii wax u gaystey iyo kii la jeelka ahaa, heer uu meelna ku xasili waayo oo marna jigjiga u ordo marna soo ordo, heer uu ardo weliyo daba fadhiisto oo miciin ka dayo. Wuxuu gaadhey heer uu calankii ONLF ee uu necbaa maanta huwado. Hahahahaha huhuhuhuhuhu hihihihihihi waxaa maanta qosol leh in Ina cabdi aar, ardo weliyo, fuluus iyo dhamaan xaar wayaane oo dhami ay gole dhexe oo ONLF ah sheegtaan.

Haleelo Waa Magow.

Haleelo.com
haleelo@hotmail.com

 

 
 
 
FIKRADAHA
The Kelafo (Qalaafe) Town in Ogaden by Guled? By Guled Guled
 
 
Shir qoolada & Isku day kasta oo gumaysigu maleego fashil buu ku dhamaadaa. W/Q Maax Ibrahim
 
Home
Copyright © Haleelo.com