Waxaan
horay idiin soo bandhignay xiriirka ka dhexeya Kaah
Xaajo iyo Abdi Ilay, Qof marka khaatumada laga xumaynayaa
waxaa ku dhaca sidan oo kale, in badan ayay Xaajo
isku dayday in ay is qariso waxaase diiday in ay
qarsoonto Abdi Ilay markuu u yeedhay in uu awaamir
siiyo Ahmed Wareeray oo ah ninka qora boga Xaajo.
Waxaan halkan hoose aad ka arkaysaa sawiro ay wada
galeen waa cadayntii ugu dambaysay ee aan idiinku
cadaynayo waxa ay Xaajo tahay waxaa laga yabaa in
ay dadka qaarkii u arkayeen in aan ku kacsanahay
lakiin waxaan inbadan ka digmay in beenta iyo fidnada
ay labada wiil ee walaalaha ah wadaan in midhehedii
hada la guranayo oo dad badan ay durbaanka u garaaceen
maantana uu isagii is geeyay. Ahmed Wareeray waa
ninka koofiyadda qaba bidaar weyn ayuu leeyahay
oo uu qarinayo.

Kal
hore ayaan qoraalkan qoray.
Cabdi
Ilay oo bogga Xaajo ugu deeqay lacag dhan 5000 oo
Dollar
Bogga
beenta shaaciya ee Xaajo ee ay leeyihiin labada
wiil ee walaalaha ah ee Ilma Abdi Aw-Nuur ayaa loogu
deeqay lacag dhan (Shan kun oo Dollar) waxaana lagu
soo xawilay xawaaladda Kaah Express xafiiska magaalada
London. Shaqo sheer oo ay Xaajo u qabatay Itoobiya
waxaa lagu abaal mariyay lacag shan kun ah arintan
oo aan ka helay mid kamid ah kuwa siiyay lacagta.
Waxaa
lacagta laga soo xawilay magaalada Jig-jiga waxaana
soo diray wiil gacan yare u ah Cabdi Illay, waxaana
lagu soo hagaajiyay Axmed Cabdinuur (Ahmed Wareerey)
arintan oo aan aad ugu kuur galay waxaa nasiib u
helay qaabka loogu soo diray lacagta iyo ujeedada
ka danbaysa.
Bogga
Xaajo oo aad u buun buuniya xukuumada Itoobiya ayaa
baryihii dambe u tafa xaydatay in ay aad u buun
buuniso oo ay soo bandhigto kuwa maamul kusheega
ee umadooda gumaada. Sidoo kale waxay wiilasha Xaajo
wada dagaal dheer kula jiraan shacabka Ogaadeenya/S/Galbeed
oo aduunka oo dhan ka wada dharagsan yahay dhibka
ay Itoobiya ku hayso
Waxaad
in badan webkan Haleelo ka akhrideen qoraalo aan
ku soo bandhigayno labada wiil ee walaalaha ah ee
midna dagan yahay Denmark midna dagan yahay Ingiriiska
in ay xiriir hoose la leeyihiin xukuumadda Wayaanaha
ayaga oo shaatiyo badan xiran jiray waxayse cadaatay
markii uu Cabdi Ilay safarka ku yihid Yurub, waxaad
bogga Xaajo ka akhrideen in ay yiraahdeen waxaanu
warsanaynaa Cabdi Ilay markii danbana uu diiday
in ay waraysataan, waxayna ku yax-yar tir-teen ama
ay ka dhigeen in ay warsteen.
Maynan
dhici jirin in dhaqaale hadda ka hor la siiyo webka
xaajo waxyse Itoobiya siisay lacag ay ujeedada ka
danbaysa tahay in ay aad u buun buuniyaan arimaha
Itoobiya waxaadna arki dontaan webka xaajo oo ka
sii badiya daacadnimada ay Itoobiya u yihiin, waxaana
idiin balan qaadaynaa haduu allah yiraahdo in aan
idiin soo bandhigno beenta ay labada wiil ee walaala
ah waraabinayaan umadda Ogaadeenya/S/Galbeed.
Webka
Xaajo oo looga bartay been iyo isku dir iyo in ay
marwalba la dagaalanto Jabhada ONLF ee dagaalka
kula jirta xukuumadda Itoobiya ayaa markii ugu horaysay
ay Itoobiya siisay lacag Shan kun oo Dollar ah waxaana
lacagta loogu soo hagaajiyay Xawaalada Kaah.
Waxaanan
idiin soo gudbin doonaa faah-faahin dheeri ah oo
ku saabsan dhaqalahan aan hada ka hor Itoobiya cidina
ka helin ee Xaajo lagu fangaraynayo iyo ujeedada
loogu huray xiligan oo Itoobiya wax waliba jiq ku
yahay ayna socdaan dagaalo aad u xoog badan oo u
dhexeeya ciidamada wayanaha iyo dagaalyahaninta
ONLF ee isu taagay in ay ciidooda ka xoreeyaan gumaysiga
ku raagay.
Haleelo
Waa Magow.