Waxaa
la yiri sidaaad isu taqaanno (isu haysato) ma tihidee,
waa siday dadku (bulshadu) kuu taqaan, waa Illaah
mahaddi in Ex-Sheikh Ibraahin aynu maanta si fiican
u naqaanno sal iyo baar. Wixii uu ku wacdiyi lahaa
qurbo-joogta Ogadeniya S/Galbeed qoraalkeenna qaybta
dambe ayaynu ka heli doonnaa balse aan ku billowno
heerarkii uu ka soo maray ku gabbashadii diinta
iyo sida Illaahay u fashiliyay.
Gumaysiga
Addisababa wuxuu mar walba isku dayaa siduu bulshada
Ogadeniya S/Galbeed ugu furi lahaa tashuush noocyo
badan leh wuxuuna u xulanayay mar kasta ruux uu
isleeyahay wuu gadmi karaa wuuna xambaari karaa
farriimaha cudurka(virus) xambaarsan ee isku dirka
iyo kala qaybinta ah iyo weliba u nacamlaynta gumaysiga.
Haddaba
Ex-Sheekh Ibraahin dheere wuxuu ahaa nin in badan
u gadmay gumaystaha una suuq geeyay farriimihii
loo dhiibi jiray isagoo huwaday shaati wadaadnimo
(Sheekhnimo) taas oo uu dad badan ku khalday mawduucyo
diini ah oo uu si khaldan u isticmaalay, in la xuso
way habboon tahaye dadkii xajkii aaday sannadkii
2008 dabayaaqadiisii baa markhaati ka ahee.
Wuxuu
ku wareegeystay teendhooyinkii xujayda ay deggenaayeen
isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu isu tuso inuu dadka
uga nasteexaynayo khatarta ay leedahay haddii ururka
ONLF la taageero iyo ciqaabta ka dhalan karta lacagta
la siiyo ururkaas. Wuxuu ku sheegay ururka inay
yihiin kuwo ilaahay ka furtay oo aan diin lahayn.
Aad buu ololahaas isugu dhabar jabiyay inuu ka gado
xujaydii Soomaalida ahayd meel kastaba ha ka yimaadeene,
wuxuu ku xisaabtamayay in intaas oo xujay soomaali
ah oo farriinta u qaadda ay uga muhiimsan tahay
idaacad ama warbaahin kasta meelihii farrimahaas
aad loo geeyay waxaa ka mid ahaa waddanka Maraykanka
iyo Waddanka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xujaydii oo run mooday Ibraahin dheere
wacdigiisii ayaa in muddo ah dadka waxay u sheegayeen
in ay ONLF tahay cilmaani gaala raac ah oo aan diin
lahayn. Waxaa ugu sii darraa Soomaliya gudaheeda,
gaar ahaan ururradii diiniga ahaa ee Soomaliya ka
jiray sidii ay saamaynta ugu yeelatay ololihii Ex-Sheekh
ibraahim uu u suuq geynayay gumaystaha cadawga tigreega
taasoo ahayd dacaayaddii ka dhanka ahayd Xaq u dirirka
Jabhadda waddaniga Xoraynta Ogadeniya. Waxayna sababtay
in dhibaatooyin badan soo gaaraan dhammaan dadkii
lagu tuhmayay taageerada ururka ONLF, in badan oo
dadkaas ka mid ahna waxaa xasuuqay ururrada magaca
diinta watay ee soomaaliya.
Wax
walba xilligiisa ayuu soo baxaaye, maxaa dadkii
shalay teendhooyinkii Xajka uu Ibraahin dheere ugu
tegey ay maanta Ogadeen?, dadkii muxaadarada, ujeeddada
qarsoon ahayd, uu u akhriyi jiray maxaa u soo baxay?.
Fur Link Qabta
1aad Qabta
2aad
Xaqiiqo
waxaa ah, ninkaas safka culimmada ugu jiray shacabweynaha
Ogadeniya S/ Galbeed inuu ahaa halistii ugu weyneyd
ee halganka Ogadeniya soo mara. Bal ruux leh sheekh
baan ahay, oo muxadarooyinka waaweyn lagu ixtiraamayo,
oo leh safkii halganka ayaan ku jiraa, diin baan
u dagaallamayaa iyo magaca rabbi inuu kor ahaado
ayaan doonayaa, haddii wax u qarsoon yihiin, ujeeddana
uu u fulinayo qolo Tigree ah, waa la garan karaa
dhibaatada uu sababi karo wadaad ku sheeggaas.
Khaa’inse
ma liibaanee ibraahin dheere wuu fashilmay inkastoo
wixii uu geysan karay uu bulshada u geystay. heerkii
uu rabayse sidaas ma ahayn ee wuxuu ku hammiyay
inuu intaas ka sii badiyo qancinta tigreega, balse
waxaa ka soo dhex galay nimankii tigreega ahaa ee
uu hawsha u hayay oo isu tusay inay uga faa’iidaystaan
si kale maadaama uusan heerkii laga filayay uusan
u dhibaatayn karin halganka.
Qorshihii
u deggenaa gumaystaha ayaa waxay ahayd in Ibraahin
dheere bulshada ku siro diinta isla markaana shacabku
taageerada ay u hayaan ururka ONLF uu uga digo xag
diiniyan, dhallinta dhiiggooda u huray dadkooda
iyo dalkoodana wiswis uu ku furo dhimashadooda,
isla markaana uu olole xooggan u galo sidii uu u
kasban lahaa dhallinta u halgamaysa waddanka, iskuna
dayo inuu ka dhaadhiciyo ii ay ku soo biiraan ciidammada
uu kolba ka keensanayay gudaha Soomaaliya.
Waxaa kaloo waajibaadka tigreegu siiyeen ka mid
ahayd in ibraahim dheere geed dheer iyo mid gaabanba
u fuulo sidii ururkiisa iyo ururka ONLF ay u midoobi
lahaayeen. Tigreegu ujeeddadiisu way caddayd xilligaas
oo waxay raadinyeen in laga maqlo codsigooda ahaa
“ku dara ururka JWXO liiska Argagixisada caalamka,
waana midda ay rabeen inay u maraan Ibraahin Dheere.
Waxaa kale oo ay is tuseen ibraahim dheere iyo tigreegu
in haddii ay suurto geliweydo midnimadaas ay ciyaaraan
cayaar kale oo la yiraahdo Golaha Sare ee ONLF,
warbaahintana laga buunbuuniyo arrintaas. Ibraahim
dheere wuxuu xoogga saaray laba arrimood kaddib
markay ONLF dheg jalaq u siin weyday.
1.In
jaaliyadaha dibadda uu ku wacyi geliyo in aysan
taageerin halganka ay wado Jabhadda waddaniga Xoraynta
Ogadeniya JWXO isagoo shaar diimeed u xidhanayay.
iyo
2.buunbuunin farriin la yiraahdo garab gole-sare
Aan eegno Ibraahim Dheere wixii uu ka yiri dagaalkii
ka dhacay aagga Dhanaan Janaury 2009 bal si aynu
u qiimayno waraysigii ay la yeesheen war-baahintii
Muqdisho ee xillagaas
Fur
Link
Wax
badan baa laga fahmi karaa qoraalkaas haddii aad
iyo aad loo dhuuxo.
qoraalkaas arrin aan ku qornayn oo qarsoon baa jirta
ruux walbana uu si sahlan u fahmayo, Tigreegu ma
doonaynin inuu Dr. Doolaal ka soo baxo gobolka.
Markii Tigreegu ogaaday in kooxdii Ibraahin dheere
ee Itixaadka ahayd iyo Dr Doalaal ay safar u soo
yihiin dhinaca Soomaaliya ayay go’aansadeen
inay laayaan, sidaas ayayna ku xasuuqeen dhammaan
safarkii uu Dr. Doolaal ka mid ahaa. Sababta uu
Tigreygu u qaatay go’aankaasna waxay ahayd
heshiiskii ay isku ogaayeen Ibraahim dheere iyo
saaxiibbadiis ayaa waxay ahayd in Itixaadku Dr.
doolaal gudaha Ogadeniya S/Galbeed geeyaan, kaddibna
ay burbur aan laga soo kabannin gaarsiiyaan halganka
xaqa ah ee shacabka Ogadeniya.
Haddii
ay suurto gal ay noqon kartana ayba soo af-jaraan
halganka gobannimo doonka ee bulsha Ogadeniya Qorshahaasi
wuxuu ahaa riyo khalad la isaga dhaadhiciyay oo
shacab bislaaday iyo urur gaamuray oo samir badan
loola kacay, Tigreygii waxaa u soo baxay in albaabkaas
uu iska soo xiray. Mar haddii aan hawshii (wax yeelidda
halganka) aan gudaha Ogadeniya looga qaban karin
sidii horey loo qorsheeyay, wuxuu qaatay tallaabadaas
waxashnimada ah ee ahayd inuusan safarkaasi cidna
ka bixin,
Qorshe kastaa oo bini’aadam dejiyo waxaa ka
sii weyn midda Rabbiye, waxaa la Rogmaday dhammaan
wixii khaa’innimo ahaa ee ay tigreega iyo
Ibraamin is tuseen. Tigreegii xaqiiqadii way arkeen.
Wax
cayaar ah oo Ibraahim maqnaashihiisu ku hirgalaya
inaynan jirin. Haddaba culaysyada badan oo gudihii
Itoobiyada kale ku yimid ayaawaxaa loo baahday dacaayado
Addisababa laga buufiyo, taas baana muhiim u noqotay
tigreegii. waxayna fareen inuu iska soo xaroodo
dad wixii uu heli karana horey u soo kaxaysto, waana
uu aqbalay.
Waynu
ka dheregsannahay sidii ay wax u dhaceen intii ay
iska xaroodeen Ibraahim Dheere iyo asxaabtiisii.
Haddaba tigreegii laba arrimood baa ay u kala qaadeen
dacaayadda ay u isticmaalayaan ibraahim dheere iyo
saaxiibbadii. Midda hore waa in loogu jimo-tuurto
dhammaan shucuubta kale ee Itoobiya si loo tuso
urur hub watay oo dagaal xoog leh kula jiray maamulka
tigreega in maanta la soo af jaray oo ay nabad qaateen,
wixii ay aaminsanaayeen oo dhanna ay ka tanasuleen
oo ay qaateen dastuurkii itoobiya. Midda kale ee
dacaayadda ah ee loo isticmaalay soo xarooshahooda
ayaa ahayd in bulshada Ogadeniya S/Galbeed loo diro
farriimihii la yaqaannay ee kolba magac loo bixin
jiray, Farriintaa oo markan loo doortay inay noqoto
“NABAD NABAD NABAD, baa loo baahan yahay maanta.
Waan
dhammaannay, dadkeennu cuntay rabaan, nolol bay
rabaan, horumar bay rabaan iwm” farriintaas
dambe ee bulshadeenna loogu talo galay, miyay tahay
mid macno samaynaysa? Kolley idinkaa ka jawaabi,
balse aniga qoraalkayga aan isku weydiiyo ninka
nabadda u baahan ma Tigreebaa mise waa Ogadeniya?
Xaqiiqadu waxaa weeye Tigree nabad uusan u baahnayn
anigoo Ogadeniya ah uma baahni, Ninka dhiilku u
buuxana waa isaga Tigreega ah, welina ma uusan garan
midabka ay leedahay nabaddu.
Ibraahin dheere hadalladiisii aan soo qaato uu ku
lahaa “dagaalkii waan ku faa’iidnay”
(waa daagaalkii maxaakiimta iyo Itoobiya), xilligaa
uu hadlayay balshada Soomaaliya dareenkeeda ayaa
meel sare marayay, aad bayna u xiiseynayeen muxaadaro
noocaas oo kale ah, waxaad ka heli doontaa laba
qaybood oo dhagaysi ah Fur Link Qabta
1aad Qabta
2aad
Ibraahin
dheereDagaalkii waagaas wuu ka hadlay. Haddaba si
uun ha isu qabadsiiyo muxaadaradaas dagaalka waa
lagu faa’iiday uu lahaa iyo bilahan dambe
wixii uu shubayay.
Masaajiddada
jigjiga wuu ka khudbeeyay Ibraahin dheere salaadihii
jimce iyo salaado kalaba, waan garan karnaa in wax
sidaa u sii qiimo leh oo diin ah uusan ka hadlaynin,
xataa haddii tigreegu u oggolaadaan inuu siduu doono
u hadlo , asagaa shakhsiyan ugu dhiirran Karin xaqiiqada
inuu sheego.
Haddii aan isbarbar dhigno waqtigii uu ka khudbayn
jiray Seattle, Washington iyo Xaruntii golaha shirarka
ee Minneapolis kulan diimeedyadii lagu qaban jiray
iyo khudbooyinka uu wakhtiyadan ka akhriyo gudihii
waddanka maxaa kuu soo baxaya? Wacdi noocee ah buu
u hayaa Ibraahin dheere Qurbo-Joogta Ogadeniya.
Haddii
kulan diimeedyadii uu ka muxadareen jiray oo kale
maanta khadka Telefoonka loogu soo xiro? Haddii
maanta kulan diimeedyada lagu qabanayo Maraykanka
ama Yurub lagu soo xiro, yaa dhegeysan lahaa? Waan
hubaa in ruuxii uu sheekh u ahaan jiray ee dhegaha
u raaricin jiray in maanta haddii la yiraahdo Ibraahin
dheere ayaa na wacdiyi ee kaalay uu ku jawaabayo
“Mar I dage Allaha dago, mar labaad I dagase
aniga allaha I dago”. Waa xaqiiqa inuu mar,
laba, saddex iyo afarba uu siray dadka balse maanta
bulshadii taqaannay Ibraahin dheere hal kalmad-na
ha noqotee aynan ka akhrisanaynin.
Muxaadaradiisa
waxaa dhagaysan lahaa, haddiiba la soo xiriiriyo
kuwii awalba Tigreyga qurbaha u joogay iyo safaaradaha
Tigreyga, wacdigiisu kolleyba wuxuu ka koobnaan
lahaa farriimihii gumaysiga ee ahaa NABAD NABAD
NABAD, dadkeennu cunto ayuu u baahan yahay, waan
dhammaannay, horumar baan rabnaa, dawladda la shaqeeya,
ilaahay aan ka cabsanno oo dagaalka aynu ka deyno
dawladda Itoobiya, xuquuqdeennana dastuurkaa qorayaa,
iwm.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkan in Ibraahin
dheere uu nala dhaafay khatartii uu diinta ugu gabbanayay
halganka taas oo dadka aan xog ogaalka ahayn shaki
badan gelin jirtay sababtoo ah wuxuu ku doodi jiray
inuuTigreyga dagaal xaq ah kula jiray inuu diinta
u dagaallamayay, iwm. Maanta wuxuu buuxiyay safkii
Tigreega waana midda ugu khatarta yar ee Ibraahin
dheere uu bulshada halgankeeda xaqa ah ku samayn
karo.
Waxaannu
leennahay haddii uu magac Sheekh ah lahaan jiray
Ibraahin dheere , haddii uu halganka mindi ku ahaan
jiray maanta waa soofihii ay bulshadu ku soofaysan
lahaayeen mindiyaha cadawga lagu gawracayo Rabbi
baa mahad iska leh!
Geesiyaasha dhiiggooda iyo naftooda u huray bulshada
Ogadeniya badbaadinteeda ayaa guusha leh!
Haleelo
Waa Magow.