Dabadhilifka
u shaqeeya gumaysiga Itoobiya wuxuu waayadii dambe
ku gabanayay shaatiyo dhowr ah, ooy kamid ahaayeen
qabiil, Diin, iwm waxaaynu la soconaa labada nin
ee walaala ah ee u tafa xaytay isku dirka umada
in ay soo mareen marxalado badan, markii ugu dambaysayna
waxay ku soo biyo shubteen in ay xiriir la sameeyaan
Abdi Ilay oo aan ognahay waxa uu yahay.
Waxaanu hada ka hor soo bandhignay in uu Abdi Ilay
lacag u soo diray Ahmed Wareereya isaga oo loo xilsaaray
in uu shaaciyo beenahaas iskuna diro dadka walaala
ah ee aan wax xumaan ah ka dhaxaynin.
Balse
waxaa layaqaanay oo kaliya magaca ninka Xaajo qurun
wada beenta ku qora hadaba waxaanu baryahan dambe
ku mashquulsanayn sidii aanu dadweynaha ugu soo
bandhigi lahayn nimanka walaalaha ah Ilma Abdi Awnuur
(Casoow iyo Ahmed Wareeray) oo aanu u aragnay wajiyadooda
oo la barto in ay daruuri tahay, waxaa kale oonu
culays saarnay sidii aan umada ugu sheegi lahayn
in ay yihiin niman gumaysiga u sahqeeya mushaarna
ka qaata arintaas waa arin aan shaki ku jirin waana
wax dhab ah.
Waxaanu
ku guulaysanay in aanu helo sawirka Wareerey waxaana
nasoo gaarsiiyay dad kolkoodii hore aad ugu dhawaa
waliba maqaalo tiro badan ku qoray Xaajo qurun wada
oo waageedii hore is qartqarinaysay balse hada la
ogaaday inay tahay meel gumaysiga loogu adeego umada
Ogadeniya S/Galbeedna lagu kala fogeeyo waxayna
dadkaasu noo balan qaadeen noo soo gudbin doonaan
xog badan oo ay ka hayaan oo nu soo bandhigi doono.
Hadaba
Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa Nina qori
uu jabiyay qarjaftiisa kama naxo Ahmed
Wareeray wuxuu aad uga cabaadayaa sawirkiisa oo
la soo bandhigay bal ka waran umada dhan ee uu maalin
walba aflagaadada, qadafka iyo gardarada taarto.
Saw
ma caqli xumo ma aha ruux intuu umad idil la coloobay
hadana dhawr shaqsi ka gaashaamanaya ama iska ilaalinaya
wareerey waxaanu kuu sheegaynaa in aanu hayno sawiro
iyo akhbaaro aad u badan oo adiga ku quseeya kuwaas
oo aanu xiligaanu doono isticmaali karo waxaa kale
ood ogaataa Qadiyada aad maalin iyo habeen caayayso,dacaayada
aad umada inteeda wanaagsan ku hayso iyo Cadowga
aad u shaqaynayso jaajuuskana u tahay in aan lagugu
daynaynin waliba waxaanu soo wadnaa taariikhdaada
iyo talaabooyinka aad halagnka inaad ku wiiqdo damacday
ee kaa dhicisoobay iyo beentaadii is wada jiidhaysay
ee aad adigu ilawday oo kuu kaydsan hortaadana aanu
soo dhigi doono.
Wayaana
in loo shaqeeyo umadaadana jariimo loo gaysto waxaa
ka dhasha jahawareerka Ahmed Wareerey haysta iyo
is dhaxyaaca ka muuqda waliba waxaa aad u badan
waxyaalaha aanu iska dhaafayno ee aanaan ku talax
tagaynin ee ninkan u gaarka ah.
Ruuxu marka uu qafiifo inta badan meel unbay kaga
dhagtaa oo falaadkiisu la qabasdaa ninkan markii
uu cudurka hayaa ku dhacay waxay ka tusatay xumaanta
iyo isku dirka umada Ogadeniya S/Galbeed taas waxaa
u raaca in uu xanuunku jacaylka gumaysiga ku beeray
waana wax jira inuu si aad ah u buko dadka yaqaanaana
way ogyihiin badan kood waxaanse arimahaas la soconin
dadbadan oo Xaajo qurun wada uun warar ka aqrista.
Waxaan
hadlka ku gunaadaynaa Ahmed Wareerey wuxuu la coloobay
qaran dhan wuxuuse iska ilaalinayaa dhawr shaqsi
oo uu yaqaano wuxuuna bogan Haleelo u qabsaday dad
kala duwan oo uu is leeyahay iyagaa qora isagoo
ka qiyaas qaadanaya fikradaha ay dadkaasi aaminasnyihiin
wuxuuse iloobay in ay umada Ogadeniya S/Galbeed
ee halgamaaga ah isku wada fikir tahay isku waxna
doonayso hadaba aan is waydiinee miyay dhici kartaa
inuu ninkani umada idil uu la coloobay kuna xadgudbay
2 ama 3 qof iska ilaaliyo oo uu magacyadooda soo
qaato kuna doodo dadkaas ayaa wax iga sheegay ama
sawirkayga gudbiyay jawaabta waxaan u dayanynaa
akhristayaasha Haleelo.com.