Ogaadeenya waxaa ka socda halgan u dhexeeya gumayga
Absiiniya oo quwado shisheeye ku tiirsan & shacabka
gumeysi diidka ah ee Ogaadeenya oo Illaahay ku tiirsan
wuxuuna halganka hubaysan ee ay Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya hormuudka katahay wuxuu maanta
gaadhay heer aad u sareeye, gudo & dibadna waxana
lagu tilaami karaa in uu isku xidhmay oo uu hano
qaaday, Dagaalada ay JWXO Ogaadeenya ka wado maalinba
maalinta ka dambaysa waxay ku sii siqayaan ama ay
kusii durkayaan meelo hadda kahor aysan Jabahdu
ka hawlgali jirin.
Waxay xukuumadda Meles ku andacoon jirtay dagaalka
waxaa wadda dad gaar ah taas oo ay ula jeedo in
ay dadka ku abuurto khilaaf dhexdooda ah, waxaanse
shaki ku jirin shirqool walba oo ay Itoobiya maleegto
in uu iyaga ku noqonayo , waxaana tusaale inoogu
filan Sanadihii hore ee 2006 - 2007 waxay Itoobiya
waddanka Ogaadeenya soo dhoobtay tiradii ciidan
dagaal ee ugu badnayd waxayna shaaciyeen in ay ONLF
ku soo afjarayaan mudo 3 bilood ah.
Hadii aan ku horayno sanadkii 2006 Itoobiya waxay
abaabushay dad iyaga u shaqeeya oo qaar ay dibadda
ka keentay gaar ahaan wadanka Maraykanka kuwaas
oo ah dad u dhashay Ogaadeenya waxaana hadaladoodi
ay ku hawlgali jireen kamaid ahaa markii ay la kulmaan
shacabka waxay ku odhan jireen anaga ayaa ahaan
jiray ONLF waanan katagnay waxaa dadakas qaar kamid
ah laga waraystay Ideecadda Af-Soomaaliga ee Addis
Ababa ka soo gasha oo soo shaacisa hadba wixii hagardaamo
ku ah shacabka Ogaadeenya ee halgan ka ugu jira
xoriyadooda.
Saraakiishii Ciidamada Itoobiya ugu sareeyay ayaa
tagay Gobalka Qorahay magaalada Qabridahare halkaas
oo ay shirweyn ku yesheen bishii 6 ee sanadkii 2006
waxaana ka soo baxay go’aankii lagu gumaaday
sahcabka Ogaadeenya ,xasuuqaas oo aan loo aabo yeelin
miyi magaalo,yar & weyn dadkana saf laga maray
waxayna Itoobiya soo qaaday weerar cir & dhul
ah oo ay ku ekeysay gobalada dalka oo dhan.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay weerarakas
kaga jawaabtay in ay si baaxad leh ugu jilib dhigto
meelihii laysku helay oo dhana marwalba waxaa gacanta
sare lahaa Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya
oo ilaahay marwalba tala saaranayay, mudo bil &
madh ah ayuu dagaalkii ku soo af-jarmay waxaana
ugu dambeeyay oo ay Itoobiya ku quusatay markii
ay CWXO Diyaarad ciidan oo saraakiil waday ku soo
rideen tuulada Gabogabo oo goblka Qorahay ka tirsan
halkaas oo ay ku diyaarinayeen istaraatiijiyad cusub
oo lagu badalo qorshihii hore oo fashil noqday.
Mudadii uu dagaalka xabada ah socday waxa barbar
socday dagaal kale oo borobagaadho ah oo inta badan
loo xambaariyay shaqsiyaadka gumaysigu ku adeegto
oo dibad & gudoba ka hawlgala waxaa lawda ogyahay
kuwa jinni xaqsay ah oo iyagoon cidi ku khasbin
meelo nabad ahna ku nool hadana dabodhilifnimo &
dibindaabyada shacabkooda door mooday kuwaas oo
meelaha la wareegayay aflagaado & dacaayad raqiis
ah.
Sidaas si la mid ah waxaan waxba lahadhin qolada
u dhagaha nugul cadowga ee gumaadka shacabka Ogaadeenya
loo wakiishay marwalbana gumaysigu uu iska horeysiiyo
kolbana lakala badalo ee maamul kusheega loogu yeedho
oo hangoolo u ah si doqonimo ahna loogu adeegto.maamulk
ku sheegii kala dambeeyay ee kolkii ujeedadii laga
lahaa lagu gaadhay iyagii dib loo liqay waxaa ugu
dambeeyay Cabdullahi Lugbuur oo in badan sidii cajalad
madhan uu gumaysigu wixii uu doono ku duubay la
shidayay oo intuu butaaco hadana isu haysta in uu
fikradiisii oo karaamo leh ku hadlayay.
Lugbuur oo wadadii looga horeeyay in mudo ah higsanayay
maanta ayay ka soo oodantay wuxuuna la mid yahay
Odeaashii & Hooyooninkii xabsiyaad ku indho
belay gabdhiho & caruur ay xabsiyada ku dhaleen
oo aan wali nolol kale baranin & barbaartii
wadanka u kacaysay oo ay badankood u xeraysanyihiin
Ciidamada wayaanaha oo ay u soo jeebeeyeen Lugbuur
& saaxiibadiisa tubtii haya ee xiligooda sugaya
walina hamuumta u qaba in ay shacabka Ogaadeenya
nacabka u nugleeyaan.
Hadaba Lugbuur oo Tigreega aad ugu haagar baxay
in badana dhaaraan u ahaa in uu maanta maxbuus yahay
waxay muujinaysaa dhaqanka gumaysiga & sida
uusan u kala jeclayn ruuxa u adeega iyo kan ka soo
hor jeeda,waxaa maqaarsaarkii gadhwada oo hormuud
u ah Ina Iley & Daa’uud Amxaar oo Lugbuur
uga horeyn jiray marawlba waxyeelaynta bulshaad
Ogaadeenya waxaana lawada ogyahay dhibaatada taariikhiga
ah ee ay u gaysteen shacabka Ogaadeenya ee dulman
waana wax meel u yaala oo aan lagu cafiyi doonin
shacabka Ogadeenyana dhibkasta oo loo gaysto marnaba
mabda’a ay aaminasn yihiin ee xornimo doonka
ah kama tanaasulayaan.
Sanadkii 2007 waa sanad xusuus weyn u leh shacabka
dulman ee Ogaadeenya walina waxaa socda dhibaatadii
ay Itoobiya ku haysay dadka rayidka ah ee aan waxba
galabsanin, waxaa jira tuulooyin dhan oo ay dadkii
daganaa ka rartay kadibna ay dab sudhay, waxaa jira
ceelashii ay xooluhu ka cabi jireen oo laga aasay
si aan dad & duunyo toona ugu noolaanin, Waxaa
jira gabadho Ogaadeenya u dhashay oo intay kufsadeen
markii dambana ay dileen & qaar dhibka faro
xumaynta ka soo gaadhay dartiis aan abdo dambe lahayn,
waxaa jira kuwo ay Tigreegu uur ku rareen oo u cararay
gobalada Soomaaliya, waxaa jira hoyooyin markii
ay adkaysan wayeen ka soo lugeeyay Ogaadeenya soona
galay xeryaha qoxootiga Dhadhaab Kenya ku yaala,
waxaa jira kuwo aad u badan oo lagu jidh dilayo
xabsiyada gabdho badan oo ugub ah ayaa xabsiyada
ku umulay.
Waxaa jira dad & xoolo badan oo cadawgu sumeeyay
oo si aad ah u le’day, waxaa jira cuduro aan
horaan laga aqoonin Ogaadeenya oo ku soo badanaya
kuwaas oo iska daa dadka e ay ciidamada Itoobiya
xoolahana ku beerayaan waxaana la xaqiijiyay 4 ninba
in uu mid ka mid ahi cudurka dilaaga ah qabo waana
ku talo gal in Ogaadeenya lagu faafiyo wax walba
oo aan horaan ka jirin si loo asal dooriyo, waxaa
intaas dheer xaalufin badan oo ay kawadaan dhulka
waxay si naxariisdro ah u laayeen ugaadhii Ogaadeenya
ku noolayd sidoo kale waxay aad u guraan dhirta
Ogaadeenya.
Akhristoow intaas oo darxumo ah ee aan kor ku soo
sheegay oo dhab ah waxaa jira kuwo aynu aysan u
muuqanin amaba ku faraxsan oo magaca, midabka &
Afkaba Soomaali ka ah kuna dhashay meesha ay waxaas
oo dhibaato ihi ka dhacayso, waxaad ogtihiin marka
laga hadlayo dagaalka xaqa ah ee ay ONLF wado kuwo
aan saluug muuqda ka mujinaynin hadana aan ku farxaynin
guusha ay ONLF gaadho, inta badan meelaha laysugu
yimaado ee loo yaqaano yaqaano (fadhi ku dirirka)
waxaad arkaysaa mid aad u murmaya oo markaad waydiiso
dhibaatadaas oo dhan kuu qiraya in ay jirto hadana
fulinaya siyaasadda guracan ee Itoobiya halkaasna
waxaa kaaga soo baxaysa su’aal aad maskaxdaada
ula noqoto oo ay jawaabteedu mudo kugu qaadato amaba
aad jawaab u weydo.
Gabogabadii waxaan bulsho weynta Ogaadeenya uga
digayaa in aysan ku dagmin Shirqoolada Gumaysigu
Maleegayo shakina kuma jiro in ay Itoobiya dad ku
soo darsatay Jaaliyadaha Ogaadeenya ee u dhaga nugul
halganka xornimo doonka ah ee ay ONLF hormuudka
u tahay waana la hubaa in uu marwalba cadawgu guuldarada
la dheelman xaqluhuna uu guulaysan .
La soco qormada qaybta dambe haduu allaah idmo.
Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com