Haleelo.com
Waa wakaalad madax banaan
Contacts Us: duulane@haleelo.com
 
Free Logo Maker and Free Logo Design By LogoSnap.com
 
 

 

 

Shabakada Dabaqoodhiga ee u Adeegta Wayanada Tigreega ee Wabishabeele oo Digniin Culus u Dirtay,Kuwii Cadawaga Isu Dhiibay & Kuwa Soo Socda,.

War bixin ay Maanta soo dabacaday Shabkada Sida Kalka iyo Laabta ah u Taageerta Siyaasada iyo Afkarta Tigreega ayaa Maanta digniin u Dirtay kuwa isu dhiibay Cadawga waxa lala Maagan yahay hadaba warbixintii oo buuxda ka dheeho Halkan.

Faallo: Dowladda ma wadahadal bay kula jirtaa ururrada mise dabiib?

Wabishabeele.com, 17-Jun-2010 - Waxaa sare u sii kacaya garabyada jabhadaha kasoo jeeda Ismaamulka Deegaanka Soomaalida ee sheeganaya inay dowladda dhexe kula jiraan wadahadal, iyadoo dhawaan ay jabhadda UWSLF ku dhawaaqday inay dowladda la gashay hashiis buuxa.

UWSLF ayaa sheegtay inay dowladda la furtay wadahadal mari doona saddex waji, mid hore, kan Jabuuti, iyo midka ugu danbeeya.

Aqristayaal badan oo emaillo inagula soo xidhiidhay ayaa in badan su'aallo inaga soo weydiiyey wadahadallada ururradan iyo dowladda nooca uu yahay.

Baaritaan kadib, waxaanu oggaanay in dooda ururradan ee ah inay wadahadal kula jiraan dowladda dhexe uu yahay mid ku'eg warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga. Markaad eegto hadallada masuuliyiinta dowladda dhexe waxaa kaaga soo dhex-baxaya inay dowladda dhexe dabiib kula jirto ururradan.

Haddaad si toos ah ula socotaan wararka wabishabeele.com waxaa xaqiiqo ah inaad si fudud u fahmi kartaan howlaha socdo, iyo waliba qaabka ay u socdaan. Aanu dib idiin xasuusino masuuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa dowlad deegaanka waxa ay ka dhaheen wadahadallada ay sheegteen jabhadaha qaarkood.

Wasiirka Xafiiska Warfaafiinta dowladda dhexe, Bereket Simon, wuxuu warbaahinta ku yiri bishii April horaanteedi "UWSLF hubki ayey dhigeen dowladduna cafis ayey u fidisay."

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, mudane Daa'uud Maxamed Cali, wuxuu isna bishii April horaanteedi u sheegay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA "UWSLF dastuurki wadanka ayey qaateen si nabadgalyo ah ayaan ku noolaaneynaa ayey dhaheen, marka way soo xaroodeen...ONLF iyana sidoo kale, waxaan rajeyneynaa inay sidan oo kale u soo galaan, wax u diidayaa majiro maanta."

Ra'isulwasaaraha dalka, Meles Zenawi, wuxuu bishii May dhamaadkeedi shir jaraa'id ka yiri "sidaad ogtihiin UWSLF dowladda ayey hashiis nabadeed la saxiixdeen. Sida cad, markey isku-dayeen xagjirnimo oo ay ku daaleen, waxey goosteen inaynan Itoobiya horumar kaga gaareyn xagjirnimo. Mar dhawna waxaanu hashiis la saxiixaneynaa garab weyn oo katirsan ONLF. Markale, taas waxey caddeyneysaa inaynan xagjirnimo meella ku laheyn Itoobiya."

Saddexdan masuul hadalladooda haddaad u fiirsataan waxaa idiinka soo dhex-baxaya faraqa u dhaxeeya hadallada jabhadaha iyo xaqiiqda jirta.

Aqristayaasha wabishabeele.com ku taxan waxaa lagu tilmaamaa inay intooda badan yihiin dad leh aqoon fiican, islamarkaana aad ula socda siyaasadda aduunka. Waxaanu rabnaa inay isweydiiyaan, "yaa wadahadli kara? Waa inaad fahantaan garabyada wadahadlaya waa inay marka hore noqdaan kuwo isu baahan, ama ay jiraan wax isku qasbaya inay miis wada fariistaan, islamarkaana gorgortamaan.

Waxaa xaqiiqo ah, inaynan waqti xaadirkan jirin wax dowladda dhexe ku qasbaya inay miis la tagto jabhadaha sheeganaya inay gorgortan ku jiraan. Majirto culeys ama wax cabsi galinaya dowladda dhexe oo kaga iman kara dhanka ururradan. Haddiise ay dhacdo inay labada dhinac miis wada yimaadaan waa in midkood loo sheegayo waxa dantiisa ah ee uu u baahanyahay inuu sameeyo.

Goormaad wadahadal gali kartaa?

Waxaad oggaataan saddex walxood: (1) marki aadan laheyn awood u dhiganta cidda aad wadahadalka la galeyso, (2) markeynan jirin wax lagaaga cabsado (3), iyo markaadan haysan wax cidda kale ay u baahantahay ood kusoo kordhin karto, saddexdaas walxood markey isukaa biirsadaan, waxa kaliya eed filan karto waa in wixii la doono laguu yeeriyo, taasna wadahadal maaha ee waa dabiib (ama daweyn).

Dhaqtarka markuu ruuxa daweynayo wuxuu u sheegaa dawooyinka uu u baahanyahay inuu qaato, isagoo kuu sharxaya xiliyada aad qaadan karto, iyo waliba qaabka ugu habboon eed u isticmaali karto. Kulanka laba dhinac oonan isu dhigmin maaha wadahadal ee waa in mid uu dabiibayo kan kale.

Maxey dowladda dhexe u diyaarisay ururrada hubka dhigay?

Sida aynu ka helnay illo aad ugu dhaw madaxda dowladda dhexe uga wakiilka ah deegaanka Soomaalida, waxaa miiska saaran barnaamijyo dhowr ah, kuwaasoo loogu talagalay jabhadaha doonaya inay saxiixaan ama saxiixay document-ga hashiiska.

Wax yaabaha ay dowladda dhexe la diyaarka tahay ee ay jabhadaha ka faa'iideysan karaan waxaa kamid ah:

1- In loo sameeyo barnaamijyo niyad-dhis, waxbarasho, iyo fursado nolol

2- In la siiyo gacan qabsi ay ku dabaraan noloshooda billaha hore

3- In si gaar ah loo xanaaneeyo cuuryaannada, dhaawaca iyo dumarka katirsanaa jabhadaha hubka dhigay

4- In loo sameeyo barnaamijyo u sahlaya la qabsiga nolosha caadiga ah ee bulshada

5- Inaanan loogu yeerin magacyo ay dhibsadaan, sida nabaddiid

6- Inaanan la takoorin, gooni loo soocin, ama laga aargoosan

7- In lasiiyo wacyigalin, dibna loogu cilyo degmooyinki ay kasoo kala-jeedeen

Waxaa hubaal ah inay shacabka deegaanku soo dhaweyn doonaan hashiis kasta oo dhexmara dowladda iyo jabhadaha, maadaama ay ka daaleen collaad iyo dagaallo aanan dhamaad laheyn. Waxaase laga ma'maarmaan ah inaynan jabhadahan labo qalad isku darsan, iyagoo marki hore lumiyey maal iyo wiil badan, markana raba inay dadka ka gadaan waxaanan jirin si ay u daboolaan qaladkii ay horey u galleen.

wabishabeele.com

Haleelo Waa Magow.

Haleelo.com
haleelo@hotmail.com

 

 
 
 
FIKRADAHA
The Kelafo (Qalaafe) Town in Ogaden by Guled? By Guled Guled
 
 
Shir qoolada & Isku day kasta oo gumaysigu maleego fashil buu ku dhamaadaa. W/Q Maax Ibrahim
 
Home
Copyright © Haleelo.com